Tababare Luiz Felipe Scolari ayaa soo magacaabay liis ka kooban 23-xidig kuwaas oo xulka Brazil u matali doona koobka Aduunka waxaana liiska ku jira lix xidig oo ka ciyaara horyaalka Ingiriiska.
Willian, Oscar, Ramires iyo Luiz oo ka tirsan, Chelsea, Paulinho oo Tottenham ah iyo dagalyahanka Manchester City ka tirsan Fernandinho.
Sidoo kale layaab ayey noqotay in xulka Looga waco Hernanes iyo Henrique iyadoo laga reebay Miranda iyo Lucas Moura oo ah cudud weyn.
Sidoo kale Scolari ayaa 7-xidig ka tiray liiskii Confederation Cupka kaga qeyb galay, waxaana laga tiray: Ronaldinho, Kaka, Pato, Lucas Leiva, Felipe Luis iyo Cavalieri.
Koobka Aduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Brazil 12-ka June ee sanadkaan.
Liiska 23-ka xidig ee xulka Brazil:
Goolhayeyaasha: Júlio César (Toronto FC), Jéfferson (Botafogo), Victor (Grêmio)
Daafacyada: Daniel Alves (Barcelona), Maicon (Roma), Marcelo (Real Madrid), Maxwell (Paris Saint-Germain), David Luiz (Chelsea), Thiago Silva (Paris Saint-Germain), Dante (Bayern Munich), Henrique (Napoli)
Khadka Dhexe: Luiz Gustavo (Wolfsburg), Paulinho (Tottenham), Ramires (Chelsea), Fernandinho (Manchester City), Oscar (Chelsea), Willian (Chelsea), Hernanes (Internazionale), Bernard (Shakhtar Donetsk)
Weerarka: Fred (Fluminense), Neymar (Barcelona), Hulk (Zenit St Petersburg), Jô (Atlético Mineiro)