Macalinka Xulka Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa amaanay qaab ciyaareedka hogaamiyaha xulka Brazil Neymar JR kaas oo markaan lala barbardhigi karo Messi & Ronaldo sida uu ku waramay Scolari.
21-jirkaan ayaa kusoo biiray Barcelona isagoo kasoo hayaamay Santos xagaagan wuxuuna dhaliyay 4-goal, 11-kulan oo uu u saftay kooxdiisa Bulgarana.
Sidoo kale rikoorkiis Xulka qaranka ayaa ah inuu dhaliyay 27-goal, 44-kulan oo uu xidigaan u saftay xulka Selecao lagu neynaaso ee Latin America Ku Yaala.
Macalin Jose Mourinho ayaa cadeeyay inuu ka xumaaday ficilkii uu ku kacay Neymar kulankii Celtic ee Champions League markii uu xidigaan is tuuray taasoo keentay in casaan la siiyo kabtanka Celtic Brown, balse macalinkii hore Chelsea [Scolari] ayaa difaacay wiilkiisa.
“Waxaa laga yaabaa Mourinho inuu ogyahay in Neymar xiligaan lala barbardhigi karo Messi iyo CR7, sidoo kalana uu dhibaateyn karo kooxdiisa Blues” ayuu ku waramay Scolari isagoo la hadlayay Guardian.
Neymar ayaa xulkiisa kala qeyb galay kulan ay 5-0 ku dhufteen Honduras kulan ka dhacay Miami.
“Xidigaha Brazil waxey ogyihiin iney qaadi doonaan Koobka Aduunka” ayuu yiri mar kale Scolari.
“Hadii aanan laheyna wood nagu filan waa nala garaaci lahaa, balse si adag ayan u shaqeynay, bandhigaan bishii hore ayaan bilawnay wana wadi doonaa ilaa dhamaadka Koobka Aduunka”
Scolari ayaa wax laga weydiiyay hadii ay jirto xul uu uga cabsi qabo iney dhibaato kasoo gaarto marka la gaaro Koobka Aduunka wuxuuna yiri: “Hogamiyaha Yurub waqtigan Spain ayaa laga yaabaa iney difaacato koobkeeda”
“Sidoo Kale Jarmalka iyo Argentina waa kuwo looga cabsi qabo koobka Aduunka”
Ugu dambeytii Scolari ayaa amaanay Neymar JR wuxuuna u rajeyay inuu mar noqon doono xidiga ugu wanaagsan dunida sida Messi iyo C. Ronaldo.
Waxaa Aqrisay: (326)
Mogadishu - Somalia