Macalinka Qabiirka ah ee Xulka Marti gelinayo koobka adduunka ee Brazil Luiz Felipe Scolari ayaa sheegay in koobka adduunka ee hadda socdo uu Hal Gacan Ugu jiro Xulka uu leeliyo ee Brazil Xiili ay wajahayaan Xulka Colombia Quarter Final-ka
Scolari ayaa ku adkeystay inay ku guuleysan Doonaan Koobka Adduunka Xilli uu la hadlayey saxaafada.
” Taageerayaasheena ayaa naga doonayo inaan u sheegay waxa aan rabno, sida aan u rabno inaan ku guuleysano koobka adduunka, waana wadnaa dadaalkaas” Ayuu yiri
Mar la weydiiyey Su’aashaan ” Mala Dhihi karaa Brazil koobkaan Hal Gacan ayey ku heysaa” wuxuuna ku jawaabay macalina “Haa, Dabcan Brazil koobka cid ka xigto ma jirto”
” Waxaan Mareenaa Tijaabadii Shanaad, waxaana koobka adduunka ku qaadi karnaa Todobo Guul”
Hadalkaan ayaa imaanayo Xilli Brazil ay caawa la ballansan tahay dhigooda Colombia, waxaana laga warsugi doonaa sida uu macalinkaan uga dhabeeyo hadalka uu saxaafadda u sheegay.
Profile