Macalinka xulka Holland Luis Van Gaal ayaa saxaafada la hadlay ka hor kulanka adag oo ay caawo xulkiisa la cayaari doonaan xulka Mexico wuxuuna macalinkan waaya araga ah ka walaacsan yahay cimilada kulul ee haatan ka jiraan dalka Brazil sidoo kale tababare Van Gaal ayaa sheegay in maal mihii ugu dambeeyay xidigahiisa ay tababar buuxdo sameyn waayeen madaama jawiga uu kululaa wuxuuna yiri “Sanad ka hor ayaan Brazil imid balse maanta ayay ka kulashahay sidoo kalena hawo badan ma jirto midaas ayaa nagu qasabtay inaan tababar buuxdo sameyn weyno sidaa darteed kulanka Mexico awood ahaan kama walaacsani balse waxaan ka cabsi qabaa cimilada kulul darteed inaan dhibaato xoog leh la kulano”
Macalin Luis Van Gaal ayaa sheegay in xulka Mexico aysan wax dhibaato ah ku qabin jawiga kulul ee Brazil ka jiro wuxuuna yiri “Mexico la qabsi wanaagsan ayay u leeyihiin halkan sidoo kalena waxaan xasuustaa anigoo Ajax macalin u ah inaan Mexico ku cayaarnaan xiligaas dhamaan xidigaheygii Ajax waxay iga codsadeen markii ay qaybta kowaad dhamaatay in gabi ahaanba aan iska joojino cayaarta!” ugu dambeyntii macalin Va Gaal ayaa amaan balaaran usoo jeediyay dhigiisa Miguel Herrera oo tababare u ah xulka Mexico wuxuuna sheegay in macalinkan uu dhisay xul awood badan sidoo kalena kubada heesan karaan wuxuuna VanGaal sadaalinaa in kulanka caawo uu noqon doono mid aad u dhib badan si sahalna aan lagu kala bixi doonin.
Profile