Macalinka dhawaan kooxda Man United hogaankeeda la wareegay Luis Van Gaal ayaa ka carooday qorshaha ay wadaan maamulka kooxdan faca weyn madaama uu ku mashquulsan yaay diyaarinta xulka Holland oo uu koobka aduunka u hogaamin doono waxaa Van Gaal loo sheegay waxyaabo badan oo uusan jecleesanin inay gudaha Old Trafford ka socdaan sidaa darteed macalinkan ku caan baxay inuusan hadalkiisa la gambanin ayaa maamulka United u diran fariin canaan ku dheehan tahay.
Macalinkan waaya araga ah ayaa sheegay inuu ka careesan yahay maamulka Man United xidigaha ay lasoo saxiixan rabaan wuxuuna sheegay in haatan uusan rabin in kooxdiisa lagu soo kordhiyo xidigo uusan raali ka aheyn wuxuuna doonayaa marka uu koobka aduunka soo idlaado oo uu kursiga United ku fariisto in loo soo iibiyo xidigaha uu niyada ku haayo, dabcan Van Gaal ayaa maamulka Man United u sarbeebay wuxuuna usoo qaatay qilaaf dhex maray isaga iyo gudoomiyihii hore ee Bayern Munich Uli Hoeness xiligii uu Van Gaal Bayern macalin u ahaa wuxuuna yiri
“Aniga ayaa iska leh go’aanka xidigaha kooxda la keenayo iyo sidoo kalena go’aanka xidigaha garoonka galayo hada ka hor Mr. Hoeness ayaa shaqadeyda si toos ah iigu faragaliyay aniga xilka Bayern waan iska dhiibay sidaa darteed ma doonayo sheekadaas oo kale inay Man United igu qabsato weliba anigoo waaya aragnimo u leh fara galinta maamulada qaar oo aan la aqbali karin!”