Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez “Waan Ciqaabi Karnaa Caawa Talyaaniga Jilicsan

Luis Suarez “Waan Ciqaabi Karnaa Caawa Talyaaniga Jilicsan


Luis_Suarez

Weeraryahanka xulka Uruguay Luis Suarez ayaa wacad ku maray inuu caawo labo cad ka kala dhigi doono daafaca xulk Talyaaniga inkastoo kulan adag caawo labadan xul cayaari doonaan sidoo kalena uu midkood gabi ahaanba koobka aduunka isaga hari doono hadana Suarez ayaa aaminsan inay heestaan fursad qaali ah oo ay xulka Italy kaga badin karaan wuxuuna yiri “Italy waa xul heestaan xidigo wanaagsan balse waan hubaa inay daali doonaan madaama kuleel daran jiro sidaa darteed waan ciqaabi doonaa Talyaaniga jilicsan marka la gaaro qaybaha dambe ee kulankan xiisaha badan” sidoo kale Suarez oo la hadlaayay wargeska Gazzetta dello Sport xusay meesha ay caawo xulka Talyaaniga ka ugaarsan doonaan wuxuuna yiri “labadii kulan oo ay Italy cayaareen waxay inta badan baneynaeen dhul weyn sidaa darteed caawo waxaan si gaar ah uga faa’iideesan doonaa dhulka ay baneyn doonaan waana hubaa inay qaladaad badan daafacooda naga gali doonaan”

Luis Suarez oo xulka England labo gool ka dhaliyay kulankiisii ugu dambeeyay ayaa sheegay inuu caafimaad qabo sidoo kalena diyaar u yahay kulankan adag wuxuuna yiri “kadib kulankii England waxaan sameeyay tababar buuxdo sidoo kalena nasiino dheeraad ah ayaan helay waxaana diyaar u ahay inaan kulankan adag kasoo muuqdo” ugu dambeyntii Suarez ayaa sheegay inaysan muhiim ahayn inuu isaga mar labaad goolal dhaliyo balse kaliya uu doonayo inuu xulkiisa caawo ka caawiyo sidii ay Italy kaga badin lahaayeen, hadii Suarez iyo xulkiisa ay caawo bar bar dhac la galaan xulka Italy gabi ahaanba koobka aduunka ayay isaga hari doonaan madaama ay sedex dhibcood leeyihiin sidoo kalena Itay 3-dhibcood ayay leeyihiin balse Uruguay farqiga goolasha hal gool ayaa lagu leeyahay halka Italy aanan wax gool ah lagu laheyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close