Home » Europe » Champions League » Luis Suarez Oo Noqday Xidigii Lixaad Ee Ka Taga Liverpool Kuna Guuleystay Champions League-ga Tan Iyo Sanadii 2009, Waa Kuwee Xidigaha Kale?

Luis Suarez Oo Noqday Xidigii Lixaad Ee Ka Taga Liverpool Kuna Guuleystay Champions League-ga Tan Iyo Sanadii 2009, Waa Kuwee Xidigaha Kale?


Suarez

Habenkii sabtida aheyd Luis Suarez ayaa u dabaal dagay hanashada koobka horyaalada yurub ee Champions League-ga wuxuuna noqday xidigii lixaad ee ka taga Liverpool tan iyo sanadii 2009 kaas oo ku guuleysta koobkaan.

Xidigaan reer Uruguay shabaqa ayuu gaaray finalkii wuxuuna dhaliyay goolka labaad ee kooxda Barcelona kulan ay 3-1 Barca ku muquunisay dhigeeda Juventus.

Hadaba kadib Luis Suarez waa kuwee shanta xidig ee xidigaan kaga horeeyay kuwaas oo ka tagay Liverpool wixii ka dambeeyay 2009 isla markaana ku guuleystay koobka horyaalada yurub ee Champions League-ga.

JAVIER MASCHERANO

Argentine centre-half Javier Mascherano touches the European Cup following Barcelona's win on Saturday

Xidigaan reer Argentina wuxuu ka tagay Anfield sanadii 2010, isagoo markaas 17.5 Malyan Oo Pound ugu wareegay Barcelona wuxuuna xili ciyaareedkii 2010/2011 ee ugu horeeyay kooxda kula guuleystay koobka Champions League-ga.

Tan iyo markii uu Anfield ka tagay Mascherano wuxuu ku guuleystay Sadex horyaal oo La Liga ah, Laba Spanish Cup ah iyo Laba Champions League-ga.

XABI ALONSO

Xabi Alonso in action for Real Madrid against Borussia Dortmund in a 2013 Champions League tie

Xidigaan wuxuu Anfield ka tagay sanadii 2009, balse shan sano ayey ku qaadatay inuu Champions League ku guuleysto isagoo sanadii 2014 la qaaday kooxda Real Madrid.

Xabi Alonso wuxuu ka mid ahaa wiilashii Liverpool ee sida mucjisada ah u qaaday koobka Champions League-ga sanadii 2005 iyagoo markaas rigoorayaal kaga qaaday Milan ciyaar lix daqiiqo oo waali ah halku dhig looga dhigay.

Alonso 30 Malyan Oo Pound ayuu Real Madrid ugu wareegay xiligaas.

ALVARO ARBELOA

Alvaro Arbeloa celebrates with Cristiano Ronaldo after the Portuguese scored against CSKA Moscow in 2012

Sidoo kale Alvaro Arbeloa wuxuu ka tagay Liverpool sanadkii 2009 waxeyna isku xili ahaayeen Alonso si wadajir ah ayeyna Madrid ugu biireen. Laba sano iyo bar uu ku qaatay Anfield ayuu so afjaray xiligaas wuxuuna sanadii 2014 la qaaday Champions League-ga Real Madrid.

FERNANDO TORRES

Torres struggled for form at Chelsea but he did manage to get his hands on the European Cup in 2012

Xidigii hore kooxaha Athletico, Liverpool, Chelsea, Milan Fernando Torres ayaa ka tagay Liverpool sanadii 2011 wuxuuna ku biiray Blues isagoo sanad kadib kula guuleystay koobka Horyaalada yurub xili ay rigoorayaal koobka kaga qaadeen Bayern Munich.

Chelsea waxey xidigaan ku iibsatay 50 Malyan Oo Pound bishii January 2011, balse 15-bilood kadib wuxuu kula guuleystay Koobka Horyaalada Yurub, waana xidigii quusiyay Barcelona semi finalkii koobkaas.

RAUL MEIRELES

A yellow card picked up in the semi-final, second leg with Barcelona cost Meireles a place in the final

Burburiyihii Liverpool wuxuu kaliya  lix bilood ka dambeeyay Fernando Torres isagoo August 2011 ku biiray kooxda Chelsea, wuxuuna la midoobay Fernando Torres.

Xidigii reer Portugal wuxuu sanadkiisii ugu horeeyay la qaaday koobka Horyaalada Yurub wuxuuna ka mid ahaa wiilashii Bayern koobka ka xayuubsaday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>