Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez Oo Mar Kale Loo Magacaabay Xidiga Ugu Wanaagsan Horyaalka Ingiriiska Sanadkaan

Luis Suarez Oo Mar Kale Loo Magacaabay Xidiga Ugu Wanaagsan Horyaalka Ingiriiska Sanadkaan


Liverpool's Luis Suarez celebrates scoring his third goal against Cardiff City during their English Premier League soccer match at Cardiff City Stadium in Cardiff

Luis Suarez ayaa mar kale helaya codka ururka qoraayaasha kubada cagta dalka Ingiriiska (FWA) maanta waxaana ay xidigaan ka tirsan Liverpool u magacaabeen inuu yahay xidiga ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska sanadkaan, iyadoo bil ka hor xidigaan ay xiriirka dalka ingiriiska u magacaabeen xidiga ugu wanaagsan xili ciyaareedkaan Premier League.

27-jirkaan reer Uruguay ayaa sanadkaan muujiyay awood dheeri ah oo aan indhaha laga qarsan karin isagoo dhaliyay 30-gool, 31-kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan gobolka Mereyside-ka.

Suarez ayaa abaalmarintaan kula tartamay Yaya Toure iyo Steven Gerrard kuwaas oo iyagana dadaal xoog badan muujiyay sanadkaan.

Suarez ayaa qeyb ka noqday kacdoonka sare ee Liverpool ay xili ciyaareedkaan kusoo gashay boosaska ugu horeeya horyaalka iyadoo haatan dagaal weyn ugu jirta iney ku guuleysato Premier League.

Luis Suarez ayaa kooxda Liverpool ka maqnaa shantii kulan ee ugu horeysay madama dhamaadkii xili ciyaareedkii hore la ganaaxay 10-kulan markii uu qaniinay Bransilav Ivanovic kulan dhexmaray Chelsea iyo Liverpool, April 2013.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close