Sabtiga nagu soo fool leh waxaa magaalada Lisbon ee dalka Portugal ku wada balansan kooxaha Real Madrid Vs Atletico Madrid oo cayaari doonaan kama dambeesta koobka horyaalada Yurub sidaa darteed kubad bur buriyaha kooxa Atletico Mario Suarez ayaa kulankan adag ka hadlay wuxuuna aaminsan yahay inaan laga hor dhici karin Final-ka Champion-ka madaama badan naadi ay awood ahaan isku dheeli tiran yihiin wuxuuna yiri “Lagama hordhici karo Finalaha Champion-ka waayo kulankan waa mid aad u adag balse hadii aan u kuur kalo cayaartan xiisaha badan waxaa isleeyahay waxaa la filan doonaan Finalihii ugu adkaa dhawaanahan in sabtiga la daawado”
Sidoo kale Mario Suarez ayaa aaminsan in kooxdiisa looga waaya aragsan yahay tartankan sidoo kalena dareen uu qabo in Real Madrid ay tahay kooxda Champion-ka loo sadaalinaayo wuxuuna yiri “Real ayaa ah kooxda uu qaf walbo afka ku haay inay Champion-ka qaadi doonto waayo aragnimo dheeri ah ayay tartankan u leedahay sido kalena xidigaha ay heesato waa kuwso si joogto ah tartankan u cayaarayeen ugu yaraan 10-sano ee ugu dambeesay” Real Madrid waxay sabitga cayaari doontaa markeedii 13-aad Finalaha Champions League halka Atletico Madrid ay mareedii labaad taariikh ahaan cayaari doonto, kooxda Real Madrid 12-sano ka hor ayaa ugu dambeesay Finalaha tartankan halka Atletico ay ugu dambeesay 40-sano ka hor!