Weeraryahanka xulka Uruguay ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inuu xagaagan kooxdiisa Liverpool isaga tagi doono Luis Suarez sidoo kalena xidigan tayada wanaagsan ayaa sheegay inuu haatan xasilooni buuxdo helay kuna faraxsan yahay nolosha uu ku qaadanaayo Anfield balse Suarez oo u waramaayay wargeys kasoo baxo magaalada Barcelona ayaa sheegay in sheekada ku aadan inay Real Madrid xagaagan iibsan doonto ay madaxa ka waashay sidoo kalena uu arinkan maalin walbo wargesyada ku arko wuxuuna yiri
“markii an joornaalka ku arko inay Real Madrid in dooneuso gudahiisa ayaan aqriyaa balse kaliya waa warar been abuur ah aniga xitaa waan la yaayaa sheekooyinkan waaayo Madrid marnaba si toos ah ma iila soo xariirin sidoo kalena Liverpool marnaba dhankeeda iyadana wax fariin ah kama aysan helin Madrid laakiin maalin walbo saxaafada ayaa arinkan cirka kusii wado!”
Luis Suarez oo dhawaan ku guuleestay kabaha dahabka horyaalka England madaama uu 31-gool dhaliyay ayaa sheegay inuu sidoo kale jeclaan lahaa inuu ku guuleesto kabaha dahabka qaarada Yurub balse Cristiano Ronaldo ayaa ka hor istaagi karo madaama ay labadan xidig haatan min 31-gool ka dhaliyeen La Ligaha iyo EPL wuxuuna Suarez yiri
“dabcan kulanka ay Real Madrid la cayaari doonto Espanyol waan daawan doonaa waxaana jeclaan lahaa inuusan Ronaldo wax gool ah dhalinin si aan si wadajir ah ugu guuleesano kabaha dahabka Yurub waayo waa abaal marin aan jeclaan lahaa inaan hanto!”
Ugu dambeyntii xidigan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hormarka uu sameeyay xili cayaareedkii dhamaaday sidoo kalena uu haatan xooga saari doono inuu xulkiisa Uruguay koobka aduunka meel wanagsan soo gaarsiiyo sidoo kalena uu sare usii qaado heerka uu kubada cagta ka taagan yahay.