Luis Suarez ayaa sheegay inuu dareemay xanuun aad u daran kadib markii ganaax 4-bilood ah la dul dhigay sidoo kalena loo diiday inuu kooxdiisa Barcelona tababar la qaato ama saxaada kubada cagta kasoo muuqdo balse todobaadkii hore ayaa laga qafiifiyay ganaaxii dul saarnaa waxana loo ogolaaday inuu tababar la sameyn karo kooxdiisa Barcelona sidoo kalena kulamada saaxiibtinimo u cayaari karo.
Hadaba Suarez ayaa ka hadaly dhibaatadii qabsatay wuxuuna yiri “Dhabtii aadbay iigu adkeed kaligey inaan tababar sameeyo waxaana dareemay inaan ahayn xirfadle kubada cagta ku xamaasho, balse haatan aadban u faraxsanahay madaama aan saaxiibadeyda tababar la qaadanaayo”
Inkastoo aan la ogeyn in xili cayaareedkan uu Suarez ka mid noqon doono Line Up-ka macalin Luis Enrique madaama uu kulamo badan Barcelona ka maqnaan doono hadana xidigan ayaa kalsooni muujiyay wuxuuna yiri “waxaan diyaar u ahay inaan la qabado kooxdeyda cusub sidoo kalena aan ka cayaaro boos walbo ee uu tababare Enrique igu aamino waayo si wanaagsan ayuu ii yaqaan wuxuuna ka dharagsan yahay inaan ahay xidig dadaal badan sidoo kalena baahi weyn ayaan u qabaa inaan koobab badan Barcelona kula guuleesto”
Profile