Weeraryahanka Liverpool Luis Suarez ayaa cadeeyay in Kabtanka Xulka England iyo Kooxda Liverpool Steven Gerrard uu ku dhawanayo inuu xidiga aduunka ka badalo Messi iyo Ronaldo hadii uu ku guuleysto horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan.
Steven Gerrard ayaa isagoo kabtan ah kooxdiisa Liverpool u qaaday tartanka Champions League 2005, sidoo kalana laba jeer ayuu u qaaday koobka FA Cupka balse waligiis kuma guuleysan koobka Premier League.
Luis Suarez oo wareysi bixinayay ka hor kulanka maanta ay Carrow Road kula ciyaari doonaan Norwich City ayaa BeIN Sport la hadlay.
“Steven waa xidiga khadka dhexe ugu wanaagsan dunida waqtigan, balse hadii uu ku guuleysto Premier League xili ciyaareedkaan wuxuu noqonayaa xidiga ugu wanaagsan Dunida”
“Wuxuu sugay sanado badan inuu ku guuleysto, wuxuu ku guuleystay Champions League, kaas oo ka dhib badan tartanka horyaalka, haatana waa waqtigii ugu haboonaa isaga inuu ku guuleysto Premier League”
“Qaab ciyaaredkiisa xili ciyaareedkaan waa mid cajiib leh, ma ahan mid madaxiisa hoos geeya oo wuxuu adeeg soo muujin doonaa adeega uu kaga gubdi karo afarta kulan ee ciqaabta ah ee hartay, waxaan filayaa inuu yahay xidiga ugu wanaagsan aduunka markaas”
Liverpool ayaa galabta la balansan Norwich xili Kabtan Gerrard, Suarez iyo Sterling ay ku jiraan liiska musharaxiinta xidiga ugu wanaagsan Premier League xili ciyaareedkaan.