Home » Europe » Europe League » Luis Figo Oo Doortay 11-ka Xidig ee Ugu Wanaagan Qaarada Yurub Sanadkan 2013

Luis Figo Oo Doortay 11-ka Xidig ee Ugu Wanaagan Qaarada Yurub Sanadkan 2013


Figo

Halyeegii hore ee kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Inter Milan Luis Figo ayaa doortay 11-ka xidig ee Yurub ugu wanaagsan sanadkan 2013 uu sii dhamaanayo kabtankii hore ee xulka Portugal ayaa aaminsan in kooxda uu sameeyay ay tahay mida ugu wanaagsan Yurub inkastoo horaanta bisha Janaayo ay soo bandhigi doonaan UEFA kooxda ugu wanaagsan Yurub madaama horey loo soo bandhigay musharaxiinta boos walbo

Figo oo ah safiirka sanadkan dalka Portugal u doorteen inuu koobka horyaalada Yurub u xil saarnaado madaama magaalada Lisbon martigalin doonto Champion-ka ayaa la xariiray website Yurub ay leeyihiin www.uefa.com wuxuuna u gudbiyay codkiisa uu ku doortay 11-ka xiidg ee uu aaminsan yahay inay sanadkan yihiin kuwa Yurub ugu wanaagsan waxayna xidigahaas kala yihiin:

Goolhaye: Manuel Neuer (Bayern Munich/Germany)

Daafaca: Philipp Lahm (Bayern Munich/Germany), Mats Hummels (Dortmund/Germany), Thiago Silva (PSG/Brazil), David Alaba (Bayern Munich/Austria)

Khadka dhexe: Yaya Touré (Man City/Ivory Coast), Franck Ribéry (Bayern Munich/France), Reus (Dortmund/Germany)

Weerarka: Cristiano Ronaldo (Real Madrid/Portugal), Lionel Messi (Barcelona/Argentina), Zlatan Ibrahimović (PSG/Sweden)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close