Home » Maxaa Cusub » Lucas Oo Kusii Jeedo Naadiga Napoli Kadib Markii Liverpool Ay Xidigan Fasaxday

Lucas Oo Kusii Jeedo Naadiga Napoli Kadib Markii Liverpool Ay Xidigan Fasaxday


Lucas

Sky Sport Italia ayaa shaaca ka qaaday in kubad bur buriyaha reer Brazil Lucas Leiva uu qarka u saaran yahay inuu kooxda Napoli ku biiro madaama xidigan ay kooxdiisa Liverpool u sheegtay inay ka maaranto, Lucas oo ka mid ah laacibiinta ugu shacbiyada balaaran garoonka Anfield ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa cayaareed meel kale kasii wato madaama macalin Brenden Rodgers uu Liverpool kusoo biiriyay xidigaha kala ah Adam Lallana iyo Emre Can oo khadka dhexe ku wanaagsan sidaa darteed Lucas sabab uu Anfeild ku joogo ma jiri doonto waxaana lagu wadaa inuu dib ula  midoobo macalinkiisii hore Rafeal Benitez oo u balan qaaday boos joogto ah hadii uu Napoli usoo dhaqaaqo.

Sky Sport Italia ayaa sheegay in 27-jirkan uu ka codsaday kooxdiisa Liverpool inaysan ka hor istaagin fursada uu kooxda Napoli kaga mid noqon karo waxayna Liverpool wakiilkiisa u sheegtay inay u fasaxan yahay inay wada xaajood la furaan kooxda Napoli waxayna Reds ku dooneysaa xidigan waaya araga ah 12-milyan o pound waana qiimo lacageed oo ay Napoli si sahal ah ku bixin karto.

Lucas ayaa mudo 7-sano ah garoonka Anfield ku sugan waxaana sanadii 2007 Liverpool xidigan asigoo dhalin yar usoo iibiyay macalin Benitez oo naadiga Gremio ka keenay haatana wuxuu doonayaa macalinka reer Spain inay dib u wada shaqeeyaan Lucas oo aad ugu wanaagsan kubad raacashada sidoo kalena leh waaya aragnimo ku filan madaama uu sanado badan si joogto ah Liverpool ugu cayaarayay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close