Home » Maxaa Cusub » Louis Van Gaal Oo Xaqiijiyay Micheal Carrick Uu Seegi Doona Gabi Ahaan Kulamada Ka Harsan Xili Ciyaareedkaan

Louis Van Gaal Oo Xaqiijiyay Micheal Carrick Uu Seegi Doona Gabi Ahaan Kulamada Ka Harsan Xili Ciyaareedkaan


Carrick

Macalinka reer Holland ee leyliya kooxda Man United ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Micheal Carrick uu seegi doono sadexda kulan ee ka haray xili ciyaareedkaan madama dhaawaciisa uu ka cuslaaday sidii markii hore loo maleynayay.

Xidigaan Xulka Ingiriiska ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisa 4-2 ku garaacday Manchester City, balse sadex kulan oo xiriri ah ayey guuldaro la kulantay kooxda Shayaadiinta Cas-Cas kadib maqnaashihiisa.

“Carrick lama heli karo, arintana wey ka culus tahay sidii la moodayay, waan isku daynay wax walba, haatan waa inan ka fikirnaa kaliya xiliga soo aadan, mana ciyaari doono dhamaan kulamada ka harsan xagaagan, waxaana isaga u wanaagsan inuu diirada saaro siduu uu kusoo kabsanaa lahaa xiliga soo aadan”

“Markaad aragto stats-ka kooxda, waad garan kartaa sida uu muhiim ugu yahay, waana xidiga kaliya ee kala haga kooxda dhanka qadka dhexe”

Dhibaatada United ayaa sii badaneysa waxaana arinkaan uu kusoo aaday xili United ay talaaboyin yar u jirto iney xaqiiqsato booskeeda Champions League-ga ee xagaaga soo aadan.

Man United ayaa xaqiiqsan doonta iney usoo baxday Champions League hadii ay guul ka gaarto Crystal Palace isla markaana Liverpool ay lumiso kulanka Chelsea ee todobaadkaan.

Ugu dambeyntii Van Gaal ayaa ku qasban inuu kooxdiisa isku dheeli tiro isla markaana ay isku dayan iney guuleystaan la’aanta Carrick.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>