Louis Van Gaal ayaa wali aaminsan in kooxdiisa cusub ee Manchester United ay ku guuleysan karto horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkaan xili uu wali raadinayo guushii ugu horeysay, madama labadii kulan ee ugu horeysay uu guuldaro kala kulmay Swansea City halka Sunderland uu barbaro la galay.
“Waan noqon karnaa horyaalka Ingiriiska hada, sanadkeygii ugu horeeyay, laga yaabee inaad qososho, balse marka aad eegto kooxaheygii hore sidaan ayaan ku bilaabay, sidaas darteed iima ahan war weyn ama ama ka duwan, sababtoo ah horay ayaan u sheegay” Ayuu yiri Louis Van Gaal.
Macalinkaan reer Holland ayaa kulankii sadexaad ee horyaalka Ingiriiska wajahi doona Burnley galabta kulan ka dhici doonta Turf Moor iyadoo la ogyahay in 22-sano ka hor isagoo hogaaminaya kooxda Ajax Amsterdam garoonkaas guul ku gaaray kulan saaxiibtinimo.
“Waxey aheyd waqti hore, waan ogahay kulankaas waana joogay halkaas, waan xasuustaa waxeyna aheyd talaabo hormar leh oo aan u qaaday shaqadeydii xiligaas, waxaan ku guuleystay UEFA Cup sanadkeygii iigu horeeyay waxeyna aheyd talaabo aan horay u qaaday”
Louis Van Gaal ayaa shaaca ka qaaday in kulanka galabta uu aad u adag yahay isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu gaaro guushiisii ugu horeeyay.
Si Kastaba Van Gaal wali wuxuu ku adkeysanayaa inuu shaxdiisa cusub ku maamulo kooxda inkastoo laga aamin baxay madama ay kooxda guul ku gaari weysay labadii kulan ee horyaalka.