Home » Maxaa Cusub » Louis Van Gaal Oo Robin Van Persie Kabtan Uga Dhigi Dona Manchester United

Louis Van Gaal Oo Robin Van Persie Kabtan Uga Dhigi Dona Manchester United


Persie

Tababaraha reer Holland Louis Van Gaal ayaa la filayaa inuu xilka Manchester United la wareego dhawaan balse wargeysyada dalka ingiriiska ayaa hadal haya warbixino badan oo ku saabsan macalinkii hore kooxaha Barca, Bayern & Ajex.

Mirror Football ayaa warisay in tababare Van Gaal uu doorbidayo inuu kabtan uga dhigo kooxda Manchester United Robin Van Persie madama uu Nemanja Vidic ka tagay kooxda.

Robin Van Persie ayaa haatan ah kabtanka xulka Holland isagoo hogaamin doona koobka Aduunka, balse macalinkaan reer Holland ayaa aad u qiimeeya xidigii hore Arsenal.

“mar walba xidig ayaad kabtan ka dhiganeysaa, iyadoo falsafada ay ku yartahay ama ay ku badan tahay kaliya maahan qidada tababaranimo ee waxaa jiri kara arin nolosha la xariirta”

“Sidaas darteed waxaan aad u muhiim ah, anigana aan aaminsanahay in Van Persie iyo Van Gaal ay leeyihin hal falsafad”

“Wax kale kama dhahayo arinkaas”

Macalin Van Gaal ayaa sidaas ku hadlay kadib markii ay dhamaatay ciyartii ay xulka Holland martigaliyeen Ecuador kulan ka dhacay Amsterdam ciyaartas oo barbardhac ku dhamaatay.

Mirror Football ayaana u fahantay arinkaas in Van Gaal uu tababare uga dhigi doono Robin Van Persie.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close