Home » Maxaa Cusub » Louis Van Gaal Oo Qiiro Galiyay Jamaahirta United: “Wadajir Ayaan Taariikh U Dhigi Doonaa”

Louis Van Gaal Oo Qiiro Galiyay Jamaahirta United: “Wadajir Ayaan Taariikh U Dhigi Doonaa”


article-2622185-1E01C56900000578-893_964x361

Tababaraha reer Holland Louis Van Gaal ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee Manchester United wuxuuna kooxda u saxiixay heshiis sadex sano ah oo uu tababare kasii ahaan doono garoonka Old Trafford.

Macalinkii hore kooxaha: Ajex, Barcelona & Bayern Munich ayaa ka hadlay magacaabista loo magacaabay xilkaan isagoo qiiro galiyay Jamaahiirta Kooxda Manchester United.

“Waxey aheyd wax aan rajeynayay inaan ka shaqeeyo horyaalka Premier League, isla markaana aan tababare u noqdo Manchester United, waa kooxda ugu weyn aduunka aadna ii farxad galisay” ayuu yiri Van Gaal.

“Horay waan usoo maamulay kulamo lagu ciyaaray Old Trafford waana ogahay waxa uu yahay garonkaan qeyrul caadiga ah, dareenka xooga leh iyo Aqoon ayaana u leeyahay Jamaahiirta”

“Naadigaan Wuxuu leeyahay hami weyn, anigana sidoo kale hami weyn, Waxaan Hubaa Inaan wadajir Taariikh u sameyn doono” ayuu mar kale yiri Van Gaal.

Sidoo kale halyeeygii hore Manchester United Ryan Giggs kaas oo ku dhawaqay inuu ka fariistay kubada cagta isla markaana loo magacaabay ku xigeenka Van Gaal ayaa amaanay macalinka cusub.

“Louis Van Gaal waa macalin heer sareeya, waan ogahay inaan ka baran doono wax badan oo tababaranimada quseeya mudada aan la joogo aad ayaana ugu dhawaan doonaa mar walba”

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close