Tababaraha dhawaan loo magacaabi doono Manchester United Louis Van Gaal ayaa dib u milicsaday waxqabadka weeraryahanka dalka jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Thomas Muller kaas oo uu macalin u ahaa afar sano ka hor.
Van Gaal ayaa taageero u ah xidigaan reer Jarmal ee booska joogtada ka ah ka waayay kadib markii uu Pep Guariola la wareegay xilka kooxda Bayern Munich.
Thomas Muller ayaa diyaar u ah inuu isaga tago kooxda Bayern Munich sidaas darteed macalinkiisii hore ayaa laga yaabaa inuu kula midoobo garoonka Old Trafford.
Inkastoo kooxda ay ku sugan yihiin: Javier Herandnez, Danny Welbeck, Robin Van Persie iyo Rooney hadana Van Gaal ayaa rumeysan in xidigiisii hore uu ka waxqabad fiican yahay dhaaan xidigaha weerarka ee kooxda ku sugan.
Heshiiska uu Thomas Muller kula jiro Bayern Munich ayaa ku eg 2017-ka, sidoo kale Toni Kroos, Hummel & Reus ayuu ka doonayaa kooxaha Bayern iyo Dortmund inuu kala soo wareego hadii uu ku guuleysto xilka Man United.