Halyeega ugu magaca dheer dalka Jarmalka Lothar Matthäus, sidoo kalena ahaa kabtankii ugu dambeeyay ee xulka Jarmalka u qaaday koobka aduunka sanadii 1990 ayaa si toos ah kooxda Real Madrid ugu hambalyeeyay heshiiska ay la gaareen Toni Kroos, wuxuuna ruug cadaagan wareysi dheer siiyay wargeska Mara asigoo ku sugan magaalada Río de Janeiro wuxuuna yiri “hambaly Real Madrid waxaad la saxiixataeen Toni Kroos oo ah cayaaryahan xirfadiisa aad u sareyso, inkastoo aan jeclaan lahaa inuu Munich baaqi kusii ahaado”
Lothar Matthäus oo si gaar ah xirfada Kroos u amaanayo wuxuu yiri “Toni waa xidig caqli badan baaskiisa wanaagsan yahay, sidoo kalena laadkiisa toosan yahay waxaan oraan karaa waa cayaaryahan dhan walbo ka dhameestiran sidoo kalena Real Madrid wax weyn kusoo kordhin doono”
Lothar Matthäus ayaa sidoo kale ka hadlay booska uu Kroos ka cayaari doono marka uu Madrid si rasmi ah ugu soo biiro wuxuuna yiri “Kroos waa xidig khadka dhexe ka cayaaro sidoo kalena lambarka 10-aad cayaaro, waxaan qiyaasi karaa inuu Madrid uga cayaari doono booska 10-aad asiga Ronaldo iyo Bale ayaa iska garab cayaari doonaan halka Benzema uu noqon doono weeraryahanka kowaad sidaa darteed Kroos faa’iidadeesa oo dhameestiran xili cayaareedka dambe ayaa la arki doonaa”
Ugu dambeyntii Lothar Matthäus ayaa ka hadlay mustaqbalka Sami Khedira oo siweyn loo hadal haayo inuu Real Madrid isaga tagi doono wuxuuna halyeegan yiri “Sami waa xidig aad u wanaagsan kuna haboon nidaamka ay Madrid cayaarto balse ma ahan xidig farsamadiisa wanaagsan tahay waa laacib shaqo waa macquul in maamulka Real aysan la dhacsaneen qaabka uu kubada u cayaaro balse koox walbo ayaa u baahan madaama uu si adag u shaqeeyo sidaa darteed ma ahan inay Real ku fududaato fasixitaankiisa!”
Profile