Home » Horyaalada » La liga » Lord Harris: “Wenger Xidigii Uu Doono Ayuu Soo Iibsan Karaa Marka Laga Reebo Messi, Ronaldo iyo Bale

Lord Harris: “Wenger Xidigii Uu Doono Ayuu Soo Iibsan Karaa Marka Laga Reebo Messi, Ronaldo iyo Bale


bale-messi_2494285a

Agaasimaha kooxda Arsenal Lord Harris ayaa sheegay in kooxdiisa xagaagan ay suuqa Yurub wacdaro xoogan ka dhigi doonto sidoo kalena macalin Arsene Wenger lacago badan gacanta loo galiyay si uu usoo iibsado xidigaha uu niyada ku haayo sidoo kale masuulkan wuxuu sheegay in Arsenal qorshaheeda xili cayaareedka dambe uu yahay sidii ay ugu tartami laheed koobka horyaalada Yurub iyo dhamaan koobabka laga cayaaro gudaha England hadaba Lord Harris oo ka hadlaayo awooda uu Wenger kusoo dukaameesan karo wuxuu yiri

“Arsene xageena kaslooni buuxdo ayuu ka heestaa wuxuuna lasoo saxiixan karaa cayaaryahankii uu doono marka laga reebo Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Grathe Bale waayo xidigahaas lacagahooda naadi bixin karto ma jirto!”

Sidoo kale masuulkan oo la hadlaayay wargeska The Times ayaa iska diiday inuu sheego lacagaha rasmiga ah ee Wenger gacanta loo galiyay wuxuunna yiri ” ma dhihi karo £100m ayaan suuqa ku qarash gareyneyaa ama £150m ama xitaa £50m waayo marwalbo waxay ku xiraan doontaa xidigaha aan isku raacno saxiixoodaa iyo qiimaha ay Yurub ka joogaan balse waa hubaal inaan xagaagan saxiixyo hee caalami ah sameyn doono”

Ugu dambeyntii Lord Harris ayaa sheegay in kooxdiisa Arsenal ay awood ahaan dheeli tiran tahay sidoo kalena ay u baahan tahay ugu yaraan labo ilaa sedex cayaayahan oo aad u tayo wanaagsna ay lasoo saxiixato wuxuuna sheegay in xagaagan ay Arsene Wenger garab tagnaan doonaan sidoo kalena loo fasixi doono lacagaha uu ku taamayo inuu qarash gareeyo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close