Home » Europe » Champions League » Looma Kala Harin: Real Madrid Oo Ku Guuleesatay Markeedii 10-aad Koobka Horyaalada Yurub!!

Looma Kala Harin: Real Madrid Oo Ku Guuleesatay Markeedii 10-aad Koobka Horyaalada Yurub!!


Ronaldo caps Decima delight for Real

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaa xaqiijisay hanashada koobka horyaalada Yurub markeedii 10-aad kadib markii ay si awood ku dheehan tartankan uga qaaday kooxda ay dariksa yihiin Atletico Madrid waxaana loogu awood sheegtay 4-1 kadib markii lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah, 90-daqiiqo ee kulankan ayaa kusoo idlaaday 1-1 balse 30-daqiiqo ee lagu daray ayaa kooxda Atletico Madrid lagu feentay, inkastoo Real Madrid ay 4-1 ku badisay hadana natiijada kulankan kama turjameyso cayaar wanaaga oo ay Atletico soo bandhigtay, waxaana Madrid koobkeedkii 10-aad gacanta u galiyeen xidigaha kal ah Ramos, Bale, Marcelo iyo Ronaldo oo dhamaantood shabaqa taabteen.

Kulan ayaa ku bilaawday qaab daganaan ah waxayna labadan koox mid walbo gaadeesay mida kale balse taageerayaasha labadan dhinac ayaa siweyn ugu sacabo tumayeen sidoo kalena xidigaha labada dhinac ka dalbanayeen inay qaab weerar ah la imaadaan,  waxaana dhaawac ku baxay kulankan Diego Costa oo awoodi waayay inuu garoonka kusii jiro cayarta oo socoto 10-daqiiqo oo qura waxaana lagu badalay Adrian Lopez. xidiga kooxda Atletico Tiago ayaa kubada qalday asigoo lugta u galiyay Grathe Bale daqiiqadii 33-aad balse nasiib daro Bale markii uu xariiqda 18-aad la galay kubada ayuu iska qasaariyay taasina waxay niyad jab ku riday xidigaha Madrid madaama kulankan aan fursado badan la isku helin qaybtii hore.

Atletico

Balse daafaca reer Uruguay Diego Godin ayaa qalbi jab ku riday taageerayaasha Real Madrid madaama uu madaxa kubada la helay inkastoo goolhaye Iker Casilaas uu qalad weyn ku lahaa madaama uu gooshiisa kasoo baxay waxaana Godin u suura gashay inuu gool ku daah furo cayaartii dhibaka badneed daqiiqadii 36-aad waxaana qaybti hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Atletico Madrid ku horkaceeso.

Qaybtii labaad markii la isku soo laabtay wiilasha macalin Diego Simeone waxay ku dadaaleen inay kubada ka ilaaliyaan Bale iyo Ronaldo sidoo kalena ay qaab difaac adag cayaaraan, macalin Ancelotti ayaa isbadal sameeyay daqiiqadii 59-aad wuxuuna badal kusoo galiyay Isco iyo Marcelo asigoo badalay Khedira iyo Coentrao waxayna Madrid bilaawday weeerar iyo dar dar.

Cristiano Ronaldo ayaa hurdada ka kacay wuxuuna sameeyay dadaal dheeri ah balse goolhaye Courtous ayaa ka celiyay laad halis ah oo xidigan tuurtay qaybtii labaad sidoo kale Grathe Bale ayaa fursado badan sameeyay balse marnaba uma suura galin inuu cayaarta wax ka badalo.

Ramos

Daqiiqadihi ugu dambeeyay kulankan Real Madrid ayaa kubada la wareegtay waxayna kooxdan bilaawday inay weerar cir iyo dhul ah ku qaado Atletico Madrid ugu dambeyntii Sergio Ramos ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 93-aad hal mar garoonka taageerayaasha Real Madrid ayaa wada istaagee halka taageerayasha Atletico Madrid ay fadhiga ka kici waayeen waxaana fajac ku noqotay naxdintii ay kala kulmeen Ramos oo madaxa la helay kubad koorno ah oo uu Modric soo laaday!

Ramos stunning

Qaybtii hore ee 30-daqiiqo ee lagu daray Real Madrid ayaa gacan sareesay waxayna Atletico u muuqdeen kuwo daaleen ama niyad ahaan wax u dhimay goolkii qalbi jabka ee uu Ramos ka dhaliyay dhamaadkii kulankan. Real Madrid aya dadaalkeedii sii laba laabtay waxaana daqiiqadii110-aad cayaarta 2-1 ka dhigay Grathe Bale oo madaxa kubada la helay kadib markii goolhaye Courtous oo fursad qaali ah ka celiyay Angel Di Maria.

Bale

Real marnaba isma dhiganin waxaana Atletico si rasmi ah u quusiyay daafaca reer Brazil Marcelo oo cayaarta ka dhigay 3-1 daqiiqadii 118-aad dabcan dadaalkii Atletico wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay madaama ay kooxdan daashay sidoo kalena niyad ahaan quusatay waxaana laga awood badiyay 30-daqiiqo ee cayaarta lagu daray!

Marcelo celebrates scoring for Real Madrid

Madrid waa laga yaabay waayo cayaarta oo dhamaad ku dhow Cristiano Ronaldo ayaa rigoore lagu galay xidiga reer Portugal cayaarta ka dhigay 4-1 wuxuuna diiday inuu garoonka ka baxo gool la’aan, Ronaldo ayaa si xarago ku dheehan rigoorada u dhaliyay wuxuuna shabaqa ku hubsaday goolkiisii 17-aad xili cayaareedkan!

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday Real Madrid oo xaqiijsay inay ku guuleesatay markeedii 10-aad koobka horyaalada Yurub waxaana leenahay Hambalyo Real Madrid waad u qalanteen in la idiin caleemo saaro libaaxyada reer Yurub


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close