Home » Maxaa Cusub » London Team Of The Season: Arsenal Iyo Chelsea Oo Xidigahii Ugu Badnaa Ku Yeeshay Xili Cayaareedkan

London Team Of The Season: Arsenal Iyo Chelsea Oo Xidigahii Ugu Badnaa Ku Yeeshay Xili Cayaareedkan


London-TOTS-2014

Premiership-ka England oo dhawaan soo idlaaday waxaa u hardameen 20-naadi oo inta badan kooxahan ay ka dhisan yihiin magaalada London sida Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ay ugu tun weyn yihiin sidaa darteed waxaa shaaca laga qaaday 11-xidig oo xili cayaareedkan wacdaro ka dhigeen Premiership-ka kuwaas oo magaalada London kooxaha ka dhisan u saftaan waxaana xusid mudan in (London Team Of The Season 2013/14) liiska ugu badan waxaa ku yeesheen kooxaha Arsenal iyo Chelsea balse Tottenham oo sanadihii ugu dambeeyay liiskan xidigo badan ku yeelan jirtay sanadkan waxbda kuma lahaanin waxaana booskeeda laacibiin liiskan ku yeelatay naadiga Crystal Palace oo wacdaro xoogan ka dhigantahy EPL, hadaba hoos kaga bogo naadiga ugu fiican magaalada London iyo 11-ka xidig ay ka kooban tahay:

Goolhaye: Wojciech Szczesny (Arsenal)

Daafaca: Laurent Koscielny (Arsenal), Gary Cahill (Chelsea), Branslav Ivanovic (Chelsea), Joel Ward (Crystal Palace)

Khadka dhexe: Aaron Ramsey (Arsenal), Mesut Ozil (Arsenal), Mile Jedinak(Crystal Palace),

Weerarka: Santi Cazorla (Arsenal),  Ededn Hazard (Chelsea), Olivier Giroud (Arsenal)

Xidigo mudan in liiskan lagu daro balse aanan calfanin: Pter Cech, Cesar Azpilicueta, Per Mertesacker, Bacary Sagna, Emanuel Adebaour, John Terry,

F.G: Inkastoo kaalin ahaan ay kooxda Chelsea sareysay Premiership-ka hadana Arsenal waxay liiskan xidigaha London ugu wanaagsan ugu badatay inay hogaanka horyaalka heesay 128-maalmood sidoo kalena xidigaha Wenger ay noqdeen naadigii waqtigii ugu dheeraa hogaanka EPL haayay xili cayaareedkii 2013/14 ee dhawaan dhamaaday.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close