Kooxda Juventus ayaa xalay ka bad baaday in ay qasaaro kala kulanto kooxda Lazio ciyaar ka tirsaneyd Serie A-da taas oo bar bar dhac ku dhamaatay.
The Old ayaa ku dhameystay 10 ciyaariyahan kulankii xalay kadib markii laga saaray kabtankooda Gianluigi Buffon kaas oo qalad ku galay weeraryaahanka Lazio, Miroslav Klose waxaana laga dhigay gool kulaad ,waxaana gool ubadalay Antonio Candreva, daqiiqadii 27 aad ee qeybtii hore.
Juventus ayaa heshay dhibicdii 56 aad ee Serie A-da kadib 21 kulan waxana dhibicdaas sabab unoqday Llorente oo madax ku dhaliyay cross fiican oo ka yimid Stefan Lichtsteiner, taas oo keentay in ciyaartii adkeyd ay ku soo idlaato 1-1.
Tababare Antonio Conte,ayaa dood ka keenay casaankii la siiyay gool-haye Buffon waxaana uu yiri “Waxaa ciqaab noogu filneyd rigoorada”
“10 ama 11 wixii aan doono aan ahaano mar walba waxaa nahay Juventus ayuu hadalkiisa ku daray tababare Conte.
Waxaa Aqrisay: (119)
Mogadishu - Somalia