Home » Horyaalada » La Liga Spain » Lix Kooxood Oo Ka Dhisan Qaarada Yurub Oo Isku Heysta Saxiixa Daafaca Barcelona Dani Alves

Lix Kooxood Oo Ka Dhisan Qaarada Yurub Oo Isku Heysta Saxiixa Daafaca Barcelona Dani Alves


Alves

 Daafaca qandaraaskiisa uu sii dhamaanayo ee ka tirsan kooxda Barcelona Dani Alves waxaa ku tartami doona lix kooxood oo ka dhisan qaarada yurub kuwaas oo doonaya iney kooxdooda ku xoojiyaan.

Daafacaan reer Brazil qandaraaska uu kula jiro kooxda Barcelona wuxuu dhamaanayaa June 2015, waxaana ugu caansan kooxaha doonaya Manchester United.

31-jirkaan wax tixgelin ah kama helin kooxda Barcelona oo uu ku sugnaa tan iyo 2008, markaas oo uu kaga yimid kooxda Sevilla mana muuqato saan-saan ay ugu abaalmarineyso heshiis cusub xili xidigaan uu wali ka mid yahay kooxda joogtada ah ee Luis Enrique.

Si kastaba Wargeyska Sports ee kasoo baxa gobolka Catalonia ayaa bogiisa hore ee maanta ku daabacay in xidigaan ay ku tartamayaan kooxaha: Inter Milan, Liverpool, Man United, Juventsu, Paris Saint germain iyo Borrusia Dortmund kuwaas oo dhamaan ka ciyaara Yurub.

Ugu dambeyntii wiilka reer South American wuxuu kooxda Barcelona kula guuleystay laba Champions League, wuxuuna ka mid yahay wiilashii uu Pep Guardiola 14-ka koob ku qaaday mudada afarta sano aheyd oo uu joogay Camp Nou.

%name Dani Alves is being targetted by Man United, Liverpool and four other top clubs [Sport]

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>