Madaama Liverpool ay xaqiijisay inay xili cayareedka dambe koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonto wargeska Daily Mail ayaa daaha ka rogay in macalin Brenden Rodgers ay maamulka Reds gacanta u galiyeen £60million si uu xagaagan suuqa Yurub kasoo dukaameesto sidoo kale wargeskan ayaa sheegay in macalin Rodgers lacagaha loo badan diino hadii labada kulan ee ka harsan Premiership-ka uu ku guuleesto sidaa darteed tababarahan dhalinta yar wuxuu durbadiiba la wadaagay wargeska Daily Mail liis ay ku qoran yihiin 15-cayaaryahan oo uu damacsan yahay inuu qaarkood lasoo saxiixdo bilaha nagu soo fool leh, hadaba hoos kaga bogo xidigahan la aaminsan yahay in qaarkood ay garoonka Anfield kasoo muuqan doonaan xili cayaareedka dambe:
Martin Montoya (Barcelona): daafac garabka midig ka cayaaro
Josip Drmic (Nuremberg): weeraryahan
Lazar Markovic (Benfica): kubad sameeye
Yevhen Konoplyanka (Dnipro): kubad sameeye garabka bidix ka cayaaro
Adam Lallana (Southampton): khadka dhex
Emre Can (Bayer Leverkusen): khadka dhexe & daafaca garabka bidix
Ashley Cole (Chelsea): daafaca garabka bidix
Antoine Griezmann (Real Sociedad): weeraryahan
Yann M’vila (Rubin Kazan): khadka dhexe
Cristian Tello (Barcelona): weeraryahan
Heung Min Son (Bayer Leverkusen): weeraryahan
Luke Shaw (Southampton): daafac garabka bidix
Xherdan Shaqiri (Bayern Munich): kubad sameeye garabka bidix
Ross Barkley (Everton): khadka dhexe
Jan Vertonghen (Tottenham: daafac)