Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo U Weecatay Soo Xero Galinta Marcelo Sidoo Kalena Ku Guuleesatay Saxiixa Micah Richards

Liverpool Oo U Weecatay Soo Xero Galinta Marcelo Sidoo Kalena Ku Guuleesatay Saxiixa Micah Richards


Marcelo

Kooxda Liverpool oo baadi goob ugu jirto daafaca garabka bidix ku wanaagsan ayaa haatan diirada saari doonto sidii ay kula soo saxiixan laheed xidiga xulka Brazil iyo kooxda Real Madrid Marcelo, macali Brenden Rodgers ayaa ku qanacsan in Marcelo uu kooxdiisa wax weyn kusoo kordhin karo madaama uu xidigan tayada wanaagsan leeyahay waaya aragnimo ku filan sidoo kalena Marceloa wuxuu si gaar u xiisaeenayaa inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqo sidoo kale xidigan cadaadis dheeri ah ayaa saaran madaama macalin Carlo Ancelotti oo u sheegay inuusan boos rasmi ah u balan qaadi doonin xili cayaareedka nagu soo fool leh sidoo kalena uu garabka bidix kula tartamo Fabio Coentrao dabcan arinkan ayaa ku qasbi doono Marcelo oo sanado badan garoonka Bernabue ku sugnaa inuu mustaqbalkisa cayaareed dib uga fikiro.

Wargeska Daily Star ayaa sheegay in Liverpool ay Marcelo ku heli karto £24million sidoo kalena waxay kaga samri kartaa dhibaatada ka heesato soo xero galinta Alberto Moreno oo ay kooxdiisa Sevilla ka madax adeygeso inay Liverpool ka iibiso balse Liverpool uma sahlano inay Marcelo gacanta kusoo dhigto waayo naadiga Tottenham ayaa dhankeeda dadaal ay xidigan ku dooneyso wado waxayna la xariirtay kooxda Real Madrid. Dhanka kale macalinka Liverpool ayaa saxaafada u sheegay in kooxdiisa ay dhameetiri rabto heshiiska Micah Richards madaama 25-jirkan aysan kooxdiisa Man City u baahneyn waxayna City lasoo saxiixatay Bacary Sanga sidaaa darteed macalin Rodgers ayaa sheegay in maal maha nagu soo fool leh uu Micah Richards Liverpool ka mid noqon doono.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close