Liverpool ayaa ku warantay iney diyaar u tahay soo xerogalinta garabka weerar ee xulka Chile iyo kooxda Barcelona Alexis Sanchez kaas oo la filayo inuu ka mid yahay tiro badan oo ciyaartoy ah kuwaas oo cagaha ka qaadi doona garoonka Camp Nou ee gobolka Catalonia kadib markii kooxda Bulgarana ay soo bandhigtay bandhigii ugu xumaa sanadihii lasoo dhaafay xili ciyaareedki dhamaaday.
Sida ay qortay Metro Reds ayaa miiska saareysa 27 Malyan Oo Pound si ay u hesho hogaamiyaha reer Chile Sanchez kaas oo muuqaal wanaagsan ka sameeyay koobka Aduunka ee haatan ka socda Brazil.
Wararka ka imaanaya Spain ee ay soo tabinayaan kuwa ingiriiska Barca ayaa diyaarineysa qorshe ay isaga iibineyso Sanchez madama uusan ku jirin qorshaha cusub ee macalin Luis Enrique.
Dhanka kale kooxda Old Trafford ku ciyaarta ee Manchester United ayaa isku diyaarineysa iney soo xerogaliso Sanchez inkastoo sidoo kale Juventus oo xiriir wanaagsan la leh Barca ay iyana dhinac ka dooneyso Alexis.
Si kastaba Sanchez ayaa doonaya inuu kazoo muuqdo Champions League xili kooxda Anfield ku ciyaarta ay hub aruursi ugu jirto ka qeyb galka tartankaas oo ay mudo ka maqneed.
Sidoo kale Liverpool ayaa u dhaqaaqday saxiixa da’yarka Roberto Firmino oo weerarka kaga ciyaara kooxda Hoffenheim ee dalka Jarmalka ilo wareedyo laga helayo jarmalka ayaana tilmaamaya in Reds ay ku dhawdahay soo xero galinta xidigaas.
Profile