Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Sheegtay Labada Xidig Flop-Ka Ka Noqdeen Inay Xagaagan Ku Iibin Doonto £14m

Liverpool Oo Sheegtay Labada Xidig Flop-Ka Ka Noqdeen Inay Xagaagan Ku Iibin Doonto £14m


Iago-Aspas-Liverpool


Naadiga Liverpool ayaa si rasmi ah u sheegtay xidigaheeda kala ah Luis Alberto iyo Iago Aspas ay iibin doonto todobaadyada nagu soo fool leh labadan xidig ee u dhasheen dalka Spain 12-bilood ka hor ayay garoonka Anfield imaadeen balse marnaba kuma eysan guuleesanin inay soo bandhigaan qaab cayaareed wanaagsan sidaa darteed macalin Brenden Rodgers oo xidigo badan xagaagan kooxdiisa kusoo biirin doono ayaa u sheegay Aspas iyo Alberto inay fasaxan yihiin wuxuuna macalinkan ku rajo weyn yahay iibka labadan xidig inay ka hesho £14m, madaama Liverpool ay lasoo saxiixatay xidigaha kala ah Rickie Lambert iyo Emre Can waxay u aragtaa inay u baahneyn labada wiil ee reer Spain.

Liverpool bilawgii xili cayaareedkii hore waxay Aspas kasoo iibsatay naadiga Celta Vigo waxaana xidigan loo keenay inuu Liverpool caawiyo marka ay ka maqan yihiin Luis Suarez iyo Daniel Sturridge balse xidigan isaga ayaaba fashil ka bixi waayay sidoo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa lasoo darseyn wuxuuna Liverpool u saftay 14-kulan Premiership-ka mana uusan dhalinin wax gool ah, Luis Alberto isagana naadiga Sevilla ayuu kasoo tagay inkastoo kubad sameeyahan uu dhalin yar yahay hadana ma uusan helin fursad uu iska muujiyo sidaa darteed Aspas iyo Alberto waxay u badan tahay inay dib ugu laabtaan La Ligaha Spain madaama ay kooxo badan ku raad joogaan.

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Liverpool Oo Sheegtay Labada Xidig Flop-Ka Ka Noqdeen Inay Xagaagan Ku Iibin Doonto £14m

  1. XUDEYFa SYL Reply

    June 8, 2014 at 8:07 AM

    Luis alberto in la ibiyo ma ahan wa xdg mustqbal wngsn leh xita hdi u fursad fcn heli donin waxa wngsn in amaah lgu diro ama la safo kulamda FA cup and carlin cup

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close