Jamaahiirta kooxda Reds ayaa sii kordhaya kuwaas oo doonaya iney arkaan kooxda Liverpool oo qaadeysa horyaalkii ugu horeeyay tan iyo 1990-kii markaas oo ugu dambeysay, balse xiligaan ayey qarka u saaran tahay madama ay dagaal xoog leh u galeyso hanashada horyaalka.
Iyadoo ay taasi jirto hadana Taageerayaal badan ayaa safaro dhaadheer usoo galaya iney yimaadaan Dalka Ingiriiska kuwaas oo aan heysan wax tikidh ah iyadoo tikidhadii lagu galayay kulanka Crystal Palace dhamaan la wada iibiyay.
Liverpool ayaana taageerayasheeda aan heysan tikidhada saxda ah uga digeysa iney suuqa madow kasoo iibsadaan tikidho si ay uga qeyb qaataan kulanka Liverpool ay la ciyaareyso Isniinta kooxda Crystal Palace iyadoo marti ah.
“Dhamaan Tikidhada la iibiyay waxaa masuul ka ah shaqsiga uu magaciisa ku qoran yahay tikidhka”
“Jabinta shuruucda waxey horseedi doontaa in baaritaan dheer la sameeyo ugu dambeyntiina waxey keeni kartaa in mustaqbalka taageranimo ee kooxda noloshiisa ay mugdi gasho”
“Booliska Gobolka Mereyside-ka ayaa sidoo kale baaritaanada sameyn doona, sidoo kale Booliska Metropolian-ka ayaa joogi doona hareeraha garoonka ka hor waqtiga bilaabashada ciyaarta”
Kooxda Liverpool ayaana Isniinta la ciyaareysa Crystal Palace iyadoo ku wajaheysa xaalad faraxsanaan ama murugo madama ay Sabtiga ciyaareyso Manchester City oo ah halisga ugu weyn ee ay ku weyn karto horyaalka.