Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Il Ka Fahantay Southamoton Kana Dooneysa Xidig Sadexaad, Waa Kuma?

Liverpool Oo Il Ka Fahantay Southamoton Kana Dooneysa Xidig Sadexaad, Waa Kuma?


Dejan LovrenNaadiga Liverpool oo siweyn uga dhex muuqato suuqa cayaartooyda Yurub lagula iibsado ayaa sheegtay inay maal maha nagu soo fool leh kooxda Southampton kala soo wareegi doonto cayaaryahankii sedexaad inkastoo kooxda Southampton horey u sheegtay inaysan xidigaheeda tayo wanaagsan iibin doonin hadana qaar ka mid ah laacibiinteeda ayaa ku qasbeen in la fasaxo haatana waxaa wadadaas mari doono daafaca xulka Croatia Dejan Lovren oo dhawaan sheegay inuu Liverpool ku biiri doono madaama uu xiiso u qabo kasoo muuqashada koobka horyaalada Yurub waxayna Liverpool u balan qaaday boos joogto ah iyo inuu xili cayaareedkan kasoo muuqdo tartanka qaarada Yurub ugu qiimaha badan.

Liverpool waxay dhawaan kooxda Southampton kasoo iibsatay xidigaha kala ah Adam Lallana iyo Rickie Lampert haatana waxay dooneysaa inay Dejan Lovren gacanta kusoo dhigto wuxuuna daafacan tayada wanaagsan xalin karaa dhibaatada Reds ka heesato dhanka daafaca gadaale.

 24-jirkan koobka aduunka xulka Croatia kala qayb qaatay ayaa haatan fasax ku maqan wuxuuna sheegay inuusan Southampton kusoo laaban doonin ilaa laga xaliyo mustaqbalkiisa cayaareed waxayna Liverpool ku dooneysaa £15m waana qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo, Lovren ayaa lagu wadaa inuu buuxiyo booska Daniel Agger oo kusii siqaayo inuu Liverpool isaga hayaamo madaama daafacan ay isku dhaceen macalin Brenden Rodgers.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close