Liverpool ayaa isku diyaarineysa iney gacanta kusoo dhigto kabtanka kooxda heerka labaad u laabatay ee Cardiff City Steven Caulker kaas oo ah xidig ku wanaagan daafaca dhexe oo ah halka ay la’dahay Liverpool.
Xidigii hore Tottenham Hotspur iyo xulka dhalinyarada ee Ingiriiska ayaa haatan diyaar u ah inuu isaga hayaamo kooxda Cardiff City madama kooxda ay u laabatay heerka labaad.
22-jirkaan heerka caalami ayaa 2011-2012 u ciyaaray Swansea City, wuxuuna haatan qiimahiisa ku fadhiyaa 8 Malyan oo Euro.
Si Kastaba Macalinka Liverpool Branden Rodgers ayaa ku qancay qaab ciyaareedka xidigaas heerka caalami wuxuuna doonayaa inuu kusoo daro kooxda Anfield ee xili ciyaareedka dambe isku diyarineyso Champions League.