Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Dooneysa In FIFA Ay Ganaaxa Ka Yareyso Luis Suarez

Liverpool Oo Dooneysa In FIFA Ay Ganaaxa Ka Yareyso Luis Suarez


Liverpool v West Bromwich Albion - Premier League

Liverpool ayaa ku warantay iney la xiriirtay xiriirka Fifa iyadoo dooneysa in loo ogolaado in Luis Suarez uu tababarka la qaato kooxda mudada afarta bilood ah ee ciyaaraha laga ganaaxay.

27-jirkaan heerka caalami ayaa fadeexad lugaha la galay kadib markii uu qaniinay daafaca talyaaniga Chiellini waxaana FIFA ay duldhigtay ganaax heer sare oo ay ciyaaraha caalamiga ah kaga mamnuuceyso 9-kulan halka Afar Bilood uu guud ahaan garoomada faarujin doono.

Iyadoo Suarez la hadal hayo inuu ku biirayo Barcelona hadana looma ogolaan doono inuu qeyb ka qaato waxqabad walba oo kubada cagta la xiriira mudada ganaaxa xitaa masoo xaadiri karo xerada tababarka Meldwood ee Liverpool.

Si Kastaba The Express ayaa shaaca ka qaaday iney rabitaankeeda u gudbisay gudiga la xiriira dacwada Suarez si loogu oglaado inuu kaliya tababar la sameeyo kooxda.

Hadii Fifa ay ku gacan seerto iney aqbasho dalabka Liverpool waxey ka dhignaan doontaa in Suarez uusan garoon tababar xitaa imaan doonin tan iyo October 2014.

Sidoo kale warbixino hoose oo saakay kasoo baxay gobolka Mereyside ayaa sheegaya in tababare Branden Rodgers iyo milkiilayaasha kooxda ay taageereen Suarez isla markaana laga yaabo xitaa iney ka tala baxaan arinta saxiixiisa madama ay la ahdal hayo in Barca ay ku qaadan doonto 80 Malyan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close