Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Diyaar U Ah Inay Jebiso Qandaraaska U Alexandre Lacazette Naadiga Lyon Kula Joogo

Liverpool Oo Diyaar U Ah Inay Jebiso Qandaraaska U Alexandre Lacazette Naadiga Lyon Kula Joogo


143904 (1)

Kooxda Lverpool ayaa diyaar garow ugu jirto inay ka jawaabto arinta Luis Suarez oo ah hadii xidigan uu dalbado in kooxda Barcelona laga iibiyo sidaa darteed kooxda Reds ayaa  toos ah ula xariirtay naadiga Lyon waxayna ka dooneysaa weeraryahanka dhalinta yar Alexandre Lacazette, 23-jirkan xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday Ligue 1 France wacdaro la yaab leh ayuu ka dhigan madaama uu kooxdiisa Lyon u dhaliyay 23-goo dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena 7-kubadood ayuu dhiibay waana weeraryahan hormar wanaagsan sameynayo madaama qandaraaskiisa £10m lagu jebin karo Liverpool ayaa dhigeeda Lyon u sheegtay inay qiimahan jaban bixin karto.

Xidiga reer France sidoo kale kooxaha Arsenal iyo Everton ayaa ku raad joogaan wuxuuna dhawaan sheegay inuu jecel yahay ka cayaarista Premiership-ka England balse kooxda Liverpool ayaa si toos ah naadiga Lyon ula xariirtay sida ay wargesyada dalka France qoreen waxaana dhawaan saxiixa Alexandre Lacazette ku guul dareesatay naadiga New Castle oo bixin weesatay £10m ee xidigan dhalinta yar la dul dhigay, macalin Brenden Rodgers oo ah tababare jecel inuu soo xero galiyo dhalinta tayada wanaagsan ayaa la hadal hayaa inuu xaalada Lacazett la socon doono madaama Luis Suarez ay macquul tahay inuu xagaagan garoonka Anfield isaga hayaamo.

Close