Liverpool ayaa garoonka Anfield Road ku ciqaabtay kooxda Fulham kulan ciyaareed xiiso badan oo dhexmaray labada naadi xili Reds-ka ay xajisatay booskeeda Labaad una dhawaatay wiilasha Wenger oo berito la balansan Man United.
Fernando Amorebieta oo ka tirsan Fulham ayaa bilaabay bandhiga Liverpool kadib markii uu iska dhaliyay kubad madax ah markii Gerrard uu kubad Laad Xor ah kasoo laaday dhinaca bidix ee Fulham wuxuuna ahaa goalka furitaanka e Liverpool hogaanka ugu dhiibay daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta.
Martin Skrtel oo daafaca dambe kaga ciyaara Reds ayaa dhaliyay goalka labaad ee Liverpool daqiiqadii 26-aad ee ciyaartaka goal madax ah karoos laga keenay dhanka bidix mar kale ka hor inta uusan Suarez laba goal is raacsan qeybtii hore iyo qeybtii dambe ee ciyaarta.
Wiilka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa dhaliyay qeybta hore ee ciyaara daqiiqadii 36-aad goalka jooga ka riday Fulham kaas oo ahaa dhex dhiib aad u wanaagsan oo uu ka helay Jordan Henderson wuxuna ahaa kii sadexaad ee Liverpool ay dhaliso..
Suarez ayaase mar kale shabaqa soo taabtay qeybtii dambe ee ciyaarta markii uu ka faa’ideystay qalad uu galay daafaca dambe ee Fulham inkastoo Gerrard uu kubada horay usii dhigay si wanaagsan ayuuna u daba mariyay goalhaye Steklenburg daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta goalka afaraad farta ka saaray Reds.
Natiijadaan ayaa ku dhaweyneysa Liverpool Gunners oo kulan xasaasi ah la yeeland doonta Man United waxaase ay noqoneysaa mid laba dhibcood uun u jirta hogaanka horyaalka.
Ugu dambeyntii Luis Suarez ayaa soo tiigsaday fooqa sare ee goaldhalinta horyaalka Premier League markii uu 8-goal wadaag kula noqday saxiibkiis Daniel Sturridge iyo madaalaha reer Argentina Sergio Aguero kaas oo kulan gacanta ku heysta.
Waxaa Aqrisay: (133)
Mogadishu - Somalia