Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Aan Heshiiska U Cusbooneysiin Doonin Glen Johnson

Liverpool Oo Aan Heshiiska U Cusbooneysiin Doonin Glen Johnson


johnson-5-4

Glen Johnson oo daafaca garabka midig kaga cayaaro xulka England iyo naadiga Liverpool ayaa lasoo daristay niyad jab weyn madaama maamulka sare ee Liverpool daafacan waaya araga ah ku wargaliyeen inaan heshiis cusub laga saxiixi doonin sidoo kalena kaliya loo ogol yahay inuu dhameesto 12-bilood ee kaga harsan qandaraaskiisa, xidigan ayaa ku rajo weynaa in xagaagan heshiis waqtigiisa dheer yahay ay kooxdiisa Liverpool usoo bandhig doonto madaama uu xili cayaareedkan dadaal dheeri ah sameeyay balse maamulka Reds oo quus ka taagan dhaawaciisa joogtada ah iyo da’diisa hore usii badaneys ayaa u sheegeen Jonson inuu Anfield sii joogi karo ilaa xagaaga 2015 oo ah xiliga qandaraaskiisa dhamaan doono.

29-jirkan wuxuu Liverpool u saftay xili cayaareedkan 29-kulan EPL  haatana todobaad walbo wuxuu ka qataa 110,000 oo pound garoonka Anfield waxaana la rajeynaa in Glen Johnson uu qandaraaskiisa dhameesan doono madaam uusan heli doonin naadi kale oo mushaaraadkaas siineyso xagaagan sidoo kale macalin Brenden Rodgers ayaa daafacan la xariiray wuxuuna u sheegay inuusan ka wal walin go’aanka ay maamulka Liverpool qaateen kaliya laga rabo isaga inuu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigo 12-bilood ee qandaraaskiisa uga harsan sidaa darteed xidigan waxaa la hubaa inuu horyaalka nagu soo fool leh Liverpoo kasii mid ahaan doono wuxuuna macalin Rodgers doonayaa waaya aragnimo daafacan inuu ka faa’iideesto sidoo kalena hadii uu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigo sanadka dambe inuu maamulka Liverpool kala hadlo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Liverpool Oo Aan Heshiiska U Cusbooneysiin Doonin Glen Johnson

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 19, 2014 at 8:33 AM

    Gelen Johnson weerar caawinaaya striker ama cross macquul ah oo goolal loo badlo malahan xitaa daafacsho fiican malahan marka haduu baxaa loo dhutin maayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close