Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo 20 Malyan Ugu Tala Gashay Saxiixa Kubad Sameeyaha Southampton Adam Lallana

Liverpool Oo 20 Malyan Ugu Tala Gashay Saxiixa Kubad Sameeyaha Southampton Adam Lallana


Lallana

Liverpool ayaa ka quusan la’ helitaanka kubad sameeyaha ugu muhiimsan kooxda Southampton Adam Lallana iyadoo dooneysa iney xidigaan keento garoonka Anfield si uu qeyb ka noqdo dagaalka cusub ee ay xili ciyaaredka soo aadan ku qaadi doonto qaarada yurub mudo kadib.

Adam Lallana ayaa ka mid ahaa xidigaha u tartamayay abaalmarinta xidiga sanadka ee horyaalka Ingiriiska inkastoo Luis Suarez uu ku guuleystay hadana sidoo kale wuxuu ugu cad-cad yahay wiilasha uu macalin Hogdson u xulan doono koobka Aduunka bisha soo aadan ka furmi doona Dalka Brazil.

Si Kastaba Branden Rodgers ayaa soo bandhigay 20 Malyan Oo Euro oo uu xidigaan ku doonayo inuu ku keeno gobolka Mereyside-ka isagoo doonaya inuu xoojiyo kooxda.

Sidoo kale Liverpool ayaa kooxaha Man City, Man United iyo Real Madrid kula biirtay tartanka logu jiro daafaca xorta kaga tagi kara Chelsea ee Ashley Cole.

Ashley ayaan wax tixgelin ah ka helin Blues sanadkiisii ugu dambeeyay isagoo ilmeeyay kulankii Norwich taas oo ay dad badan u fasirteen inuu yahay kulankii ugu dambeeyay oo uu ku ciyaaray Stamford Bridge.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close