Kooxda Lverpool oo beryahan dhaq dhaqaaq xoogan ka wado suuqa Yurub ayaa sheegtay in looga guuleestay saxiixa xidiga reer Brazil Adriano kaasi oo ka tirsan naadiga Barcelona wuxuuna xidigan iyo wakiilkiisa haatan ku sugan yihiin dalka Talyaaniga weliba kooxda Roma ayaa si gaar ah saxiixiisa ugu guuleesatay waxaana lagu wadaa in maal maha nagu soo fool leh inuu tijaabo caafimaad u maro,.
Macalin Brenden Rodgers ayaa taageero u ahaa Adriano madaama uu boosas badan ka cayaari karo balse haatan xidigan wuxuu ku qancay dalabka Roma oo u balan qaaday boos joogto ah iyo mushaar ka wanaagsan midka uu haatan Barcelona ka qaato.
Wararka ka imaanayo caasimada dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda Roma ay 29-jirkan ku qaadan doonto £8m waxaana la xaqiijiyay in Barcelona ay dalabkan aqbashay sidoo kale kooxda Inter Milan ayaa dadaal u sameesay soo xero galinta Adriano balse xidigan wuxuu Roma ku doortay inay sanadka dambe ka qayb qaadan doonto koobka horyaalada Yurub
Sidoo kale wuxuu la dhacsan yahay macalinka kooxda Roma Rudi Garcia sida uu mashruuciisa u guuleestay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday sidaa darteed xidigan ayaa ku qanacsan inuu caasimada dalka Talyaaniga kasii wato mustaqbalkiia cayaareed.
Adriano sanadii 2010 ayuu Barcelona kusoo biiray wuxuuna kula guuleestay koobab badan sidoo kalena xidigan 143-kulan ayuu Barca u saftay asigoo u dhaliyay 14-gool.