Arinta kubad sameeyaha Atletico Bilboa uu ugu biirayo Manchester United oo isbadashay kadib markii saxaafada Ingiriiska ay saakay aroortii qoreen in xidigaan uu tijaabo caafimaad u maray Manchester United.
Warar haatan soo baxay ayaa qeexaya in Kooxda Atletico Bilboa ee ka dhisan Spain ay soo diiday dalabkii Manchester United ee ahaa iney xidigaan ku qaadato 28.8 Malyan oo Pound.
24-jirkaan ayaa sida la shaaciyay inuu shalay ka dagay xerada tababarka Carrighton ee Manchester United si uu caafimaad ugu maro, iyadoo la rajeynayay in Ander Herrera uu noqdo saxiixii ugu horeeyay Louis Van Gaal ee Man United balse kooxda Spain ka dhisan ayaa sii deysay war qoraal ah oo ay ku diideyso lacagaha ay United ku dooneyso iney kula saxiixato xidigaan.
Atletico waxey dooneysaa iney ku dhawaaqdo iney Manchester United isbuucaan ku celiyeen dalabkii 36 Malyan oo Euro oo u dhigantay 28.8 Malyan Oo Pound oo ay ku dooneysay iney kula saxiixato Herrera.
Ayey u qorneed war qoraal ah oo kasoo baxay kooxda ka dhisan Spain, Man United ayaa sanadii hore isku dayday iney soo xerogaliso Herrera balse heshiiska labada koox ayaan qabsoomin iyadoo xiligaas uu United macalin u ahaa David Moyes.
Saxiixii ugu horeeyay Manchester United ayaa wareer gali doona madama saxiixii ugu dhawaa ay niyad jab kala kulantay madama Bilboa ay ka biyo diiday lacagaha xidigaan.
Profile