Ugu dambeyntii weeraryahanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa iska iloobay hamigii uu ka qabay inuu xagaagan garoonka Camp Nou isaga hayaamo wuxuuna laacibkan go’aansaday inuu kooxdiisa Barcelona heshiis cusub u saxiixo sheekadan dhamaan saxaafada dalka Spain ayaa wada xaqiijiyeen balse wargeska Marca ayaa si qoto dheer uga hadlay qaabka ay haatan Messi iyo maamulka Barcelona ku heshiin rabaan madaama ismari waa xoogan uu labada dhinac ka dhex taagnaa todobaadyadadii aan kasoo gudubnay, sidoo kale Marca wuxuu xaqiijiyay in bilawga todobaadkan nagu soo fool leh ay wada fariisan doonaan Messi wakiilkiis Jorge Messi oo ah aabihiis iyo madaxda Barcelona si ay ugu dambeyntii arinkan xal rasmi ah uga wada gaaraan.
Marca xogta uu helay intaas kuma eko waxaana Lionel Messi laga dhigi doonaa laacibka aduunka ugu mushaarka badan inkastoo haata sanad walbo qaato €16m hadana 26-jirkan ugu yaraan wixii xili cayaareedkan ka dambeeyo wuxuu ku shaqeyn doonaa lacag u dhaxeyso €22m ilaa 25m waxayna arinkan u baahan tahay in labada dhinac ay si rasmi ah u xaqiijiyaan maal maha nagu soo fool leh, sidoo kale Messi ayaa aqbalay inuu qandaraaskii gaarsiiyo ilaa sanada 2019, waxaa naga xasuusin ah in maalmo ka hor kooxda Man City ay sheegtay inay weeraryahankan ku iibsan doonto €200m balse Barcelona lacagahaas uma baahno kaliya waxay dooneysaa inay Messi sii heysato sidoo kalena uu koobab badan u qaado mustaqbalka dheer.