Xidiga Barcelona iyo xulka Argentina Lionel Messi ayaa cadeeyay inuu wado qorshe uu kaga mid noqon doono dadka faraha badan leh ee isticmaala aalada xiriirka bulshada ee Twitter-ka inta lagu guda jiro sanadkaan 2014.
Xirfadlayaal badan oo dhanka kubada cagta ah ayaa leh koonto u gaar ah isla markaana isticmaala Twitter-ka balse Messi ayaan wali sameysan inkastoo qorshahiisa sanadkaan uu ku jiro inuu biro xirfadlayaashaas.
Si Kastaba 101greatgoals.com ayaa isniintii shaaca ka qaaday in Messi uu yiri:
“Waxaan rajeynayaa inaan Ka sameysto koonto ii gaar ah Twitterka dabayaaqada sanadkaan”
Xidiga Afarta jeer heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa jecleystay inuu la mid noqdo xidigaha Ronaldo, Rooney, Suarez & Ageuro oo ka mid ah xidigaha ugu caansan ee isticmaala aaladaan kuwaas oo ku sugan saaxada kubada cagta waqtigaan.
Lionel Messi ayaa ah kabtanka xulka qaranka Argentina wuxuuna xulkiisa lugtiisa ku gaarsiiyay guul 2-1 aheyd oo ay ka heleen Bosnia, balse haatan wuxuu isku diyaarinayaa kulanka sabtida ay la leeyihiin Xulka Iran.