Lionel Messi ayaa jabinta rikoorka gooldhalintii uu madaxa ka ahaa Raul Gonzales Blanco ee Champions League ku garaacay Cristiano Ronaldo kadib markii xidigaan reer Argentina uu laba gool ku caawiyay Barcelona xalay kulan ay marti u noqotay koxda Ajax kulan ka tirsan wareega groupyada.
Messi ayaa dhaliyay gool madax ah kadib markii laad uu dhinac kasoo qaaday Bartra, iyadoo goolkaas uu barbaro kula noqday Ronaldo oo 70-gool lahaa, balse mid kale ayuu raaciyay taasoo ka dhigtay inuu barbaro la noqdo Raul Gonzales oo lahaa 71-gool.
Ronaldo ayaa iska qasaariyay fursad uu rikoorkaan ku jabin karay habeenkii talaadada markaas oo Real Madrid ay 1-0 ku garaacday Liverpool kulankii afaraad.
27-jirkaan reer Argentina ayaa saftay 90-kulan, isagoo dhaliyay 71-gool, halka Crisitano Ronaldo uu saftay 106-kulan, isla markaana dhaliyay 70-gool waxaana intaas sii dheer in Raul uu saftay 142-kulan uu isna dhaliyay 71-gool.