Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa isaga haray xulkiiisa Argentina kadib markii uu soo xaadiri waayay tababarka xulkiisa, xidigan ayaa labadii todobaad ee ugu dambeesay la daala dhacaayay dhaawac uu dhanka muruqa ah ka qabay waxaana u suura gali weesay inuu xulkiisa u safto sidaa darteed Messi ayaa loo soo fasaxay inuu dib ugu soo laabto magaalada Barcelona si uu nasiino u qaato tani ayaa ka dhigan in Messi uu ka nasan doono todobaadka kulamada isreeb reebka koobka la cayaari doono wuxuuna seegi doonaa labada kulan ee xulkiisa Argentina la kala cayaari doonaan xulalka Peru iyo Uruguay.
Macalinka naadiga Barcelona Gerardo Tata Martino ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay xiriirka kubada cagta Messi kusoo fasaxeen waxaana lagu wadaa xidigan inuu xidigan kooxdiisa u safto 19-ka bishan kulanka ay La Ligaha cayaari doonto.
Dhanka kale xiriirka Argentina ayaa si rasmi ah u sheegeen in xidigaha kala ah Javier Mascherano iyo Gonzalo Higuain iyagana xulkan u safan doonin madaama ay dhaawacyo kala duwan qabaan balse macalinka xulka Argentina Alejandro Sabella ayaan wax walaac ah qabin madaama ay horey ugu soo baxeen koobka aduunka oo sanadka dambe lagu qaban doono Brazil.