Home » Europe » Champions League » Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo taageereen tilaabada UEFA kaga hortagi doonto midib takoorka

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo taageereen tilaabada UEFA kaga hortagi doonto midib takoorka


Say no to Racism

Labada xidig ee aduunka ugu wanaagsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa si buuxdo u taageereen tilaabada ay UEFA kaga hotageyso midi kala sooco lagula kaco cayaartooyda madoowga ah, labadan xidig ayaa ka mid ahaayeen laacibiin farabadan oo xiriirka kubada cagta qaarada Yurub kala qayb qaateen barnaamij looga hadlaayay sidii loo joojin lahaa jinsi faquuqa waayahan aafeeyey kubada cagta Yurub laga cayaaro, barnaamijkan loogu magac daray FARE oo laga soo gaabiyay (Football Againts Racism in Europe) waxaana ka hadlay gudoomiyaha UEFA Michel Platini wuxuuna yiri “marnaba uma dul qaadan doono midib kala sooco Yurub ka jiro sidaa darteed fariintan waa mid ka turjumeyso sida aan dhamaanteen uga soo horjeedno kala sooca Yurub kusoo badanaayo”

Sidoo kale shirweynahan waxaa kasoo baxay in 22-24 bishan October kulamada Champions League iyo Euroa League kabtanada naadiyada ka qayb qaadanayaan labadan tartan inay xirtaan astaan ay ku qoran tahay “No to Racis” taasi oo muujineyso inaan looga baahneyn kubada cagta Yurub laga cayaaro, sidoo kale Ronaldo iyo Messi waxaa ku wehliyeen xafladan xidigo farabadan oo ay ka mid yihiin Franck Ribery, Michael Essien, tababare Andrea Villas-Boas, David Luiz, garsoore Howard Webb, Arjen Robben iyo kuwo kale.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close