Home » Maxaa Cusub » Lionel Messi “Hadafkeena Kowaad Wuxuu Ahaa Inaan Semi-finalaha Koobka Aduunka Soo Gaarno”

Lionel Messi “Hadafkeena Kowaad Wuxuu Ahaa Inaan Semi-finalaha Koobka Aduunka Soo Gaarno”


Messi

27-jira kabtanka u ah xulka Argentina Lionel Messi ayaa ka hadlay heerka ay haatan xulkiisa koobka kasoo gaareen wuxuuna sheegay in dhamaan xidigaha reer Argentina ay ku qanacsan yihiin inay Semi-finalaha koobka aduunka soo gaareen wuxuuna Messi yiri

“hadafkeenii ugu horeeyay waan gaarnay madaama uu qorshaheena ahaa inaan ka mid noqono 4-naadi ee ugu dambeyn doobo koobka aduunka”

Messi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yiri “haatan hore ayaan usii dhaqaaqi karnaa, aadban ugu raaxeesanay ilaa haatan waxa noo qabsoomay sidoo kalena waan u diyaar garoownay inaan wajahno kulanka adag ee nagu soo fool leh” Lionel Messi ayaa qirtay in koobka aduunka kubada uu cayaarayo ay ka duwan tahy midii lagu yaqiinay wuxuuna yiri

“waa inaan in badan ordaa madaama kubada aan cayaarno ay ku dhisan tahay iskaashi sidoo kalena daal badan ayaan dareemaa kulamada qaar balse waan  qabsaday cimilada Brazil waxaana ku faraxsanahay ilaa haatan waxqabadkeyga aan kasoo bandhigay koobka aduunka”

Lionel Messi ayaa xulkiisa Argentina u saftay dhamaan 5-kulan oo ay koobka aduunka cayaareen wuxuuna dhaliyay 4-gool sidoo kalena bandhig wanaagsan ayuu dalka Brazil kasoo bandhigay.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close