Naadiga Liverpol rajada ay ka qabto hanashada Premiership-ka ayaa ceel kusii dhacday madaama qaytii hore ay soo gaba gaboowday kulankii ay garoonkeeda kula cayaareesay naadifga New Castle waxaana Reds haatan lagu leeyahay hal gool oo uu iska dhaliyay Marten Stkrtel daqiiqadii 20-aad, inkastoo Liverpool dadaal badan ay sameesay sidoo kalena fursado qaali ah ay iska qasaariyeen Suarez iyo Sturridge hadana qaybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku horkaceyso naadiga New Castle, hadaba macalin Rodgers wiilashiisa 45-daqiiqo ee la cayaaray masoo bandhigin wixii laga filaayay.
Liverpool goolka lagu leeyahay oo kaliya dhibaato kuma ahan sidoo kalena kooxda Man City iyadana 1-0 ayya qaybtii hore ku hogaaminee kulanka ay West Ham la cayaareyso waxaana goolka u dhaliyay Samir Nasri, sidaa darteed macalin Rodgers iyo xidigahiisa haatan talo farahooda way ka baxday waxaana qaybta dambe looga fadhiyaa inay goolka iska soo gudaan sidoo kalena ay kulankan guuleestan sidoo kalena hadii nasiibka uu dhankooda galabta soo aado in Man City laga badiyo, hadaba 45-daqiiqo ee xigta ayaan ku ogaan doonaa waxa dhici doono balse ilaa haatan waxay u muuqataa in koobka Premiership-ka uu garoonka Etihad usoo dhaqaaqi doono!!