Kulanka xiisaha badan ee wareeega 16-aad ee dhex mari doono xulalka Holland Vs Mexico ayaa si rasmi ah labada macalin shaaca uga qaadeen Line Up-kay kulankan kusoo gali doonaan dabcan labadan xul mid ayaa caawo gabi ahaanba koobka aduunka laga reebi doonaa.
Tababare Luis Van Gaal ayaa labo badal ku sameeyay shaxdiisa wuxuuna macalinkan waaya araga ah go’aansaday inuu fursad qaali ah siiyo ruug cadaa Dirk Kuyt oo caawo safan doono kulankiisii 100-kaad wuxuuna noqon doonaa xidigii 7-aad ee taariikhda xidigaha Holland kaasi oo 100-kulan safto hadaba macalin Van Gaal ayaa kuso gali doon shaxda hoos ku qoran:
Holland: (3-4-1-2): Cillessen; Vlaar, De Vrij, Blind; Verhaegh, De Jong, Wijnaldum, Kuyt; Sneijder; Van Persie, Robben.
Geeska kale xulka Mexico oo damacsan inat markii ugu horeesay 5-koob aduun kadib gudbaan wareega 16-aad ayaa kusoo gali doonaan shaxda hoos ku qoran:
Mexico(3-5-2): Ochoa; Rodríguez, Márquez, Moreno; Aguilar, Herrera, Salcido, Guardado, Layún; Giovani, Peralta.
Profile