Sida Caadiga ah waxaa 30 ka hor la helaa Line Up-ka rasmi ah ee Kulan kasta waxaana Tababare Carlo Ancelotti ayaa ku soo bilaabay Gareth Bale kulanka ay caawa la ciyaarayaan Villarreal, iyadoo xiddiga reer Wales uu ciyaarao kulankiisii ugu horeysay ee Real Madrid. Xiddiga adduunka ugu qaalisan ayaana caawa soo galay garoonka El Madrigal isagoo xiran maaliyada Los Blancos islamarkaana u ciyaaray markii ugu horeysay Real.
Sida tababare Ancelotti uu hore u sheegay Bale ayaa ka ciyaari doona garab weerar, iyadoo garabka kale uu ka ciyaari doono Cristiano Ronaldo. Illarramendi iyo Modric ayaana booska burburiyaha khadka dhexe ciyaaraya halka Isco uu ka danbeyn doono gooldhaliye Benzema.
Kabtan Casillas ayaana sidii la filayay mar kale kursiga keydka ku bilowday, laakiin waxa uu ciyaari doonaa kulanka Champions League.
Haddaba waaa sidan Line Up-ka
Villarreal:
Asenjo; Mario, Musacchio, Dorado, J.Costa; Cani, Bruno, Trigueros, Aquino; Giovani, Pereira.
Real Madrid:
Diego López, Carvajal, Pepe, Ramos, Nacho, Illarramendi, Modric, BALE, Isco, Cristiano Ronaldo, Benzema. Bedel: Casillas, Khedira, Casemiro, Jesé, Morata, Di María iyo Llorente