Halyeeygii hore Kooxda Tottenham Hotspur Ledly King ayaa loo sameeyay kulan sagootin ah oo ay kasoo qeyb galeen xidigihii hore kooxda iyo ciyaartoyda hatan, balse sheeko qosol leh ayaa ciyaart ka dhacday intii ay socotay waliba qeybta dambe ee ciyaarta Lewis Holtby ayaana qalad bareer ah ka galay garsoore Howard Webb oo garsoorayay kulankaas.
Ciyaarta oo socota qeybta dambe ayaa Garsoore Howard Webb uu damcay inuu kubada wax ka ciyaaro isagoo si xarago leh kubada ula ag maray Holdby oo isna u adkeysan waayay in garsooraha uu agmaro.
Xidiga haatan amaahda kasoo laabtay ee Holtby ayaa ayaa qalad bareer ah ku galay Webb kaas oo isna kala tuuray markii uu dhulka kasoo kacay.
Sheekada ayaa aheyd mid majaajilo iyo qosol leh.
Nala Daawo: