Sida ay shaacisay Metro Manchester United ayaa xifaaltan xoog leh kala kulmi doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City waxeyna labada kooxood ku tartami doonaan kubad sameeyaha xulka Spain Cesc Fabregas.
Xidigaan reer Spain ayaa mudooyinkii dambe lala xiriirinayay kooxda Man United inuu ku biiri doono ka hor inta uusan go’aansan inuu sii joogo Camp Nou, balse xaalada culus ee kooxda soo wajahday xili ciyaaredkaan ayaa ka dhigi doonta inuu dib ugu soo laabto horyaalka Ingiriiska.
Jamaahiirta Kooxda Barcelona ayaa 50% ugu codeeyay in Cesc Fabregas la iibiyo xili ciyaaredkaan, waxaana xifaaltan adag uu ku dhexmari doonaa Man United iyo Man City.
Sidoo kale kooxda Arsenal ayaa iyana quuldareyneysa iney dib usoo ceshato xidigii ay soo barbaarisay.
Louis Van Gaal ayaa la filayaa inuu qabto xilka tababaranimo ee Manchester United xili ciyaareedka soo aadan madama isbuuca soo aadan la filayo in lagu dhawaaqo inkastoo warar kala duwan ay qorayaan wargeysyada dalka Ingiriiska.
Mehmet Scholl ayaa u digay Wayne Rooney, sidoo kalana Ferran Soriano ayaa Manchester kaga digay iney magacowdo Van Gaal isagoo ku sheegay inuu yahay nin go’aan adag oo marna ku dili kara mana kuu badin kara.